Post View....

Wareega 1aad ee doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la soo geba-gabeeyey & Natiijada

0
71

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug waxaa maanta ka dhacdey doorashada Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku tartameen ilaa Shan musharax.

Musharixiinta doorashadaas wareega 1aad ku tartamay ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey),waxaana musharixiinta ay codadka u kala heleen.

1: Cali Daahir Ciid 26 Cod

2: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini 26 Cod

3: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) 6 Cod

4: Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 Cod

5: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) 12 Cod

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in wareega labaad ee doorashada la guda geli doono,isla markaana ay isugu soo hareen musharixiinta kala ah.

1: Cali Daahir Ciid

2: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini

3: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

4: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

 

About Author