Post View....

TOOS U DAAWO: Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo bilaabatay

0
92

Magaalada Dhuusamareeb waxaa goor dhow ka bilaabatay doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ka dib markii ay soo idlaalatay doorashadii Madaxweynaha oo uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa ku tartamaya shan Musharax oo kala ah Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) & Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Musharaxa Cali Daahir Ciid ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono xilka Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb.