Post View....

Wararkii Ugu Dambeeyay Xildhibaan ka bad baaday Qaraxii Saakay Ka Dhacay Muqdisho

0
63

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka dhacay qaraxu agagaarka Carwadii hore ee Taleex degmada Hodo nee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ay kasoo baxaya qaraxaas waxaana wararka qaar ay heegayaan in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,iyada oo lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in gaariga qaxa lala beegsaday uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fedraalka Soomaaliya in kasta oo ilaa iyo haatan aysan jirin cid xaqiijin karta arrintaasi.

Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta gundaha u sheegay in uu khasaaro ka dhashay qaraxaas iyada oo dhaawac uu so gaaray darawalkii weday gaariga,ciidamo ka tirsan booliiska ayaa markiiba goobta tegay iyaga oo baaritaano ku sameeyay qaraxu nooca uu ahaa inkasta oo ilaa iyo haatan aysan ka hadal.

 

About Author