Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), uu qarka u saaran yahay inuu soo magacaabo Gole Wasiiro oo cusub.
Wariye-yaasha Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in Koonfurta Gaalkacyo ay ka socoto qaban-qaabo loogu diyaargaroobayo magacaabista Golahan Wasiirada cusub.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bishii January lagu soo xulay Xildhibaano lagu sheegay inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labaad Galmudug, iyadoona ay maalmo ka dib doorteen Guddoonka Baarlamaanka, sidoo kalena waxay soo doorteen Madaxweyne Kuxigeen.
Madaxweyne Xaaf ayaa habeenkii Sabtida Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in uu weli yahay Madaxweynaha Galmudug, isla-markaana uu dhameysan doono mudada uga harsan xilka.
Madaxweynaha ayaa tibaaxay in muddo afar sano ah loo soo doortay inuu hoggaamiyo Galmudug, iminkana ay u harsan tahay muddo ku siman shan iyo toban bilood, oo sida uu ka dhawaajiyay ay tahay inuu muddo xileedkiisa dhameysto.
Doorashadii ay abaabulkeedu laheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa waxaa hareeyay khilaaf xoogan, taa oo dhabaha u xaartay waddo ay saddex maamul ku yeelanayso Galmudug.
Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay Galmudug timid iyadoo uu hal maamul ka jiro, iminkana uu saddex maamul ka jiro.
Â