Post View....

Wararkii ugu dambeeyay ee Xalada Degmada Balad-Xaawo & War laga soo saarey xiisada ka jirta Gobolka Gedo

0
64

Maanta waxaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose kulan ku yeeshay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka deegaannada Jubbaland iyo Ururada Bulshada rayidka,iyaga oo kulankooda kaga hadlay xaaladaha kasoo cusboonaaday Gobolka Gedo.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin ku heyso Arrimaha Jubbaland,isla markaana dhibaato ay ku heyso.

Waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo ay dhibaatooyin u geysteen dadka Shacabka ah sidoo kalena meelo markii hore amaan ahaa haatan laga barakacayo sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayay waxaa ay ugu baaqeen inay kor kala socdaan waxyaabaha ka socda deegaannada Jubbaland,isla markaana wixii dhaca ay mas’uul ka yiiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Ciidamo farabadan waxaa ay geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland,waxaana sidoo kale Ciidamo ku heysta deegaano ka tirsan Gedo Wasiirka Amniga Jubbaland oo dowladda Soomaaliya baxsad ka ah.

 

About Author