Post View....

Trump ‘wuxuu maalin walba aruursanayay 1 malyan oo doolar ‘, go’aankii mooshinka ka hor

0
52

Kooxda ol’olaha doorashada ee madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa ayaa aruuriyay lacag dhan $1m (£775,000) maalintiiba muddo 10 cisho ah, ka hor inta aan laga baabi’inin kiiska mooshinka xil ka qaadista ah ee uu wajahayay, sida ay sheegtay haweeneyda guddoomiyaha ka ah xisbiga Jamhuuriga.

Isku darka lacagta la aruuriyay ayaa gaareysa 17 malyan oo doolar, sida ay sheegtay Ronna McDaniel, oo katirsan xisbiga Jamhuuriga.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli dhawaan xisbiga dimuqraaddiga ay doonayeen in doorashada xisbiga dhexdiisa ay iska soo saaraan qofkii madaxweyne Trump kula tartami lahaa adoorashada madaxtinnimada.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in qorshihii xil ka qaadista ee lala damacsanaa uu tagaeero badan ka helay.

“Durbaba waxaan heysanaa shan boqol oo shaqaale oo si mutadawacnima ah noogu shaqeynaya , kuwaas oo haatan tababbaran,” ayay tiri guddoomiyaha xisbiga Jamhuriga.

Guddiga Qaran ee xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in lacagtaas la ururiyay tan iyo bishii September ee sanadkii hore, xilligaas oo afhayeenka aqalka Congress-ka ay qabatay mooshin ka dhan ah madaxweyne Trump, kaas oo markii dambe guul-darestay.

Getty ImagesLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhanka kale loollanka u dhaxeeya doorashada isreebreebka xisbiga Dimquradiga dhexdiisa ayaa haatan meel adag mareysa, kadib doorashadii buuqa dhalisay ee ka dhacday gobolka Iowa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan aqalka sare ee Mareykanka wax dembi ah ku waayeen, kaddib markii xildhibaannada xisbiga Dimuqraaddiga ee aqalka Congress-ka ay ansixiyeen in xilka laga qaado.

Trump ayaa lagu eedeeyay dembiyo ay kamid yihiin in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka, awooda xafiiskana uu u adeegsaday dano siyaasadeed.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu gargaarka milateri ee Mareykanka uu siiyo dalka Ukraine la hakiyay isagoo ku cadaadinayay in ay baaritaan ku sameynayaan Joe Biden oo horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, haddana u hanqal taagaya xilka madaxweynenimo.

Lacagtan la uruuriyay ayaa loo adeegsan doonaan ol’olaha doorashada ee xisbiga Jamhuuriga, waxaana maamuli doona guddiga Qaran ee xisbiga.

Doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 3-da bisha November ee sanadkan 2020-ka.

About Author