Post View....

Waa kuma ganacsadihii caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo warar shegaayo in…

0
73

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa lagu dilay nin ganacsade ahaa, iyadoo dhanka kalena ay baxsadeen kooxihii dilay.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay ninkan ganacsadaha ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley, waana wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Maqrib.

Raggan dilka gaystay oo lala xiriirinayo kooxaha nabadiidka ayaa waxaa falkaasi ka dib u suurta-gashay inay gacanta sharciga ka baxsadaan.

Ciidamada Booliska ee Degmada Dharkiinley oo daqiiqado ka dib ku baxay goobtaasi ayaana ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Hilowle ayaa goob ganacsi ku lahaa Suuq Boocle, waxaana halkaasi meydkiisa ka qaaday Ciidamada Booliska.

Taliska Booliska ee Degmada Dharkiinley ayaa amray in meydka la geeyo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, si baaritaan loogu sameeyo, ka hor inta aan meydka marxuumka lagu wareejin eheladiisa.

Mintidiinta Al Shabaab ee bastooladaha la cararaya ayaa xilliyada qaarkood dilal gaadmo ah ka gaysta xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, tiiyoo inta badan lagu fashilmo, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

About Author