Post View....

Maxay noqotay natiijada tallaalkii loo sameeyay ka hor tagga HIV?

0
53

Rajadii laga qabay tallaal ka hortag ah oo loo abuuray caabuqa HIV-ga ee sababa cudurka AIDS-ka ayaa lagu hungoobay ka dib markii lagu guul darreystay tijaabooyinkii la sameeyay.

Xarunta qaran ee caafimaadka ayaa joojisay tijaabadii ay ku magacowday HVTN 702, taasoo lagu sameeyay in ka badan 5,000 oo ruux oo ku sugan Koonfur Afrika, maadaama la ogaaday in tallaalka lagu hanweynaa uusan ka hortagi karin HIV-ga.

Khubarada howshaas waday ayaa muujiyay “niyadjab weyn” laakiin waxay intaas ku dareen in lasii wadi doono cilmi baarista loogu jiro dawada ka hortagga HIV-ga, dadaalkana halkaas laga sii ambaqaadi doono.

Tallaalada noocan ah ayaan lagu darin unugyo HIV ah, sidaas darteedna wax khatar ah uma keenayaan qofkii lagu tijaabiyo.

Muxuu yahay tallaalku?

Tallaalkan ayaa ahaa nooc ka mid ah tallaalada ugu horreeyay ee lagu hanweynaa inuu unugyada jirka bani’aadanka ka difaaci karo cudursidaha HIV-ga – waxaana horay loogu soo bandhigay xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Thailand.

Tallaalkan ayaa tijaabadiisa lagu sameeyay waddanka Koonfur Afrika, oo ka mid ah dalalka ay ka jirto tirada ugu badan ee cudurkaas, marka loo eego caalamka intiisa kale.

Waxaa jiray hammi weyn oo laga lahaa in tallaalkaas uu shaqeyn doono, waxaana lagu waday in marka lagu guuleysto loo sii gudbiyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

Maxaa ku dhacay tijaabadii?

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKhubarada caafimaadka ayaa aad uga niyad jabay natiijada tallaalkii ay rajada weyn ka qabeen

Dad si iskood ah isu isxilqaamay ayaa la siinayay tallaalkan tijaabada ah.

Xogtii hordhaca ahayd ayaana muujisay in tallaalkaasi uusan waxba ka tari karin shaqadii looga dan lahaa, taasoo ahayd inuu awood u helo sidii uu ku difaaci lahaa caabuqa.

Dr Anthony Fauci, oo ka socda xarunta caafimaadka qaran ee NIH ayaa yiri; “In tallaal loo helo HIV-ga waxay sababi lahayd in dunida la farxad galiyo annaguna waxaan rajo ka qabnay in dawadan tijaabada ku jirtay lagu guuleysan doono, waxaanse ka qoomameyneynaa inaysan waxba tarin”.

“Cilmibaaristu wali way socotaa, waxyaabo kale ayaana laga shaqeynayaa si loo sameeyo tallaal badbaado u ah HIV-ga, ilaa haddana waxaan aaminsan nahay in la heli doono”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Linda-Gail Bekker, oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee Aids-ka ayaa tiri: “Inkastoo tani ay dhabarjab weyn ku tahay dadaalkeenna, waan sii ambaqaadi doonnaa raadinta tallaal ka hortag ah”.

Wali waxaan rajo ka qabnaa in tallaalo kale ay u shaqeyn doonaan sida loo rabo.

Sidee loo joojin karaa HIV?

Dawo magaceeda afka qalaad loogu soo gaabiyo (Prep) ayaa hadda shaqeyneysa waxaana la ogaaday inay ka hortagi karto caabuqa HIV-ga, laakiin waxay ka duwan tahay tallaalka, waxaana loo baahan yahay in maalin kasta la qaato.

Dalalka aysan dawooyinka noocaasoo kale ah dadku ka heli karin, habka kaliya ee loo adeegsan ka hortagga xanuunkaas waa in cinjir la isticmaalo xilliga galmada.

Dhawaan waxaa la helay dawooyin wakhtiga u dheereyn kara dadka uu haleelo caabuqa HIV-ga.

About Author