Post View....

Sida muuqata Dawlada Soomaaliya ayaa ka awood badisey dhinac kasta oo muujiyey in Khilaafaan Doorashadii maanta dhacday Ee Qoor qoor Madaxweynaha kusoo baxay. Advertisement Inkastoo hore loo sii ogaa guushaasi,hadana waxa ay ka micno aheyd Shakhsi dooran oo xildhibaanada Galmudug ay soo doorteen. Seddex Waxyaabood ayaa laga baran karaa guusha Villa Soomaaliya ay gaartay: 1: Waxay sameysay muuq ahaan wax u eg Doorasho iyadoo isticmaashay Awoodii Qaranka sida Lacagtii Dawladeed,Qasnadana ujebisey rabitaanka Shakhsiga ay wadatay iyadoo Tv-ga Qaranka laga baahiyey Doorashadaasi,oo aan doorashooyinkii kale sida tii Shaakir aan laga tebin. Advertisement 2: Waxay Guul u aragtaa dawlada Soomaaliya inay Beesha Caalamka ka dhaadhicisey inay taageeraan Doorashadaasi kuwaas oo badankood Shaashada kala socday ayideena Qoor qoor inuu madaxweyne noqdo,wixii gadaal iska badeli doona lama oga. 3: In Dawlada Soomaaliya ay Kaarto Siyaasadeed ay la dheeshay Xaaf iyo ahlusuna ay ugu suurta gashay in Doorashadaasi dhuuso mareeb ku qabsato,si loogu aamino in meel ka baxsan doorashadaasi aysan ku qaban. Advertisement Awood kala dhantaalkii lagu sameeyey kol hore Ahlusuna ayey kaga faa’iidey inay guushaan maanta ay keensato Villa Soomaaliya,iyadoo doorashadii Lafta gareen oo kale Beesha caalamka ay aqoonsan doonaan Qoor qoor sida la leeyahay. Inkastoo la maqaar siibay Quwadii Ahlusuna oo xitaa ay ku hanjabeen inay tallaabo qaadayaan hadii doorashadaasi maanta dhacdo hadana sidii ay rabtay Dawlada waa ay heshay,waxaana Galmudug ay foolatay Seddex Madaxweyne. Ma cada waxa xigi doono,iyadoo wax walbo ay yihiin hadba qolo kasta Shakhsiga ay u arkaan ay Madaxweynaha Galmudug ugu yeeri doonaan.

0
41

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

About Author