Post View....

3 Waxyaabood Oo Dawlada Guul kaga gaartay Doorashadii Maanta Dhuuso mareeb

0
80

Sida muuqata Dawlada Soomaaliya ayaa ka awood badisey dhinac kasta oo muujiyey in Khilaafaan Doorashadii maanta dhacday Ee Qoor qoor Madaxweynaha kusoo baxay.

Inkastoo hore loo sii ogaa guushaasi,hadana waxa ay ka micno aheyd Shakhsi dooran oo xildhibaanada Galmudug ay soo doorteen.

Seddex Waxyaabood ayaa laga baran karaa guusha Villa Soomaaliya ay gaartay:

1: Waxay sameysay muuq ahaan wax u eg Doorasho iyadoo isticmaashay Awoodii Qaranka sida Lacagtii Dawladeed,Qasnadana ujebisey rabitaanka Shakhsiga ay wadatay iyadoo Tv-ga Qaranka laga baahiyey Doorashadaasi,oo aan doorashooyinkii kale sida tii Shaakir aan laga tebin.

2: Waxay Guul u aragtaa dawlada Soomaaliya inay Beesha Caalamka ka dhaadhicisey inay taageeraan Doorashadaasi kuwaas oo badankood Shaashada kala socday ayideena Qoor qoor inuu madaxweyne noqdo,wixii gadaal iska badeli doona lama oga.

3: In Dawlada Soomaaliya ay Kaarto Siyaasadeed ay la dheeshay Xaaf iyo ahlusuna ay ugu suurta gashay in Doorashadaasi dhuuso mareeb ku qabsato,si loogu aamino in meel ka baxsan doorashadaasi aysan ku qaban.

Awood kala dhantaalkii lagu sameeyey kol hore Ahlusuna ayey kaga faa’iidey inay guushaan maanta ay keensato Villa Soomaaliya,iyadoo doorashadii Lafta gareen oo kale Beesha caalamka ay aqoonsan doonaan Qoor qoor sida la leeyahay.

Inkastoo la maqaar siibay Quwadii Ahlusuna oo xitaa ay ku hanjabeen inay tallaabo qaadayaan hadii doorashadaasi maanta dhacdo hadana sidii ay rabtay Dawlada waa ay heshay,waxaana Galmudug ay foolatay Seddex Madaxweyne.

Ma cada waxa xigi doono,iyadoo wax walbo ay yihiin hadba qolo kasta Shakhsiga ay u arkaan ay Madaxweynaha Galmudug ugu yeeri doonaan.

About Author