Post View....

Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho

0
59

Muqdisho:-Kulan looga arrinsanayo isku xirka Laamaha kala duwan ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shir weynahan ayaa ah mid lagu gorfeynayo wixii ka hirgalay qorshihii la dejiyay Saddexda Bil ee la soo dhaafay iyo hiigsiga Sagaashanka Cisho ee soo socda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed,Cabdi Xasan Xijaar oo shirka furay ayaa kula dardaamay mas’uuliyiintii ka qeyb gashay inay wada shaqayn ballaaran ka dhaxeyso haya’dda socadaalka iyo Ciidanka Booliska Soomaliyeed , si looga hortago dhibaatada ay geystaan Dadka diiddan horumarka Ummadda Soomaliyeed.

Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsidaha Somaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, ayaa sheegay in ay u qabsoomeen howlahii ay dejiyeen intooda badan, Saddaxda Bil ee la soo dhaafay isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sameyn doonaan waxqabadka ballaaran lagu tallaabsaday.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Gobolka Banaadir , Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax , ayaa sheegay in ay yaraadeen caqabado badan oo ka jiray sameynta warqadaha dhalashada.

Dhanka kale Shirweynaha looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa ah mid Saddexdii Bilba mar lagu qabto mid ka mid ah Gobollada Dalka, si loo helo isla xisaabtan guud oo ku saleysan shaqada hay’adda.

About Author