Post View....

Guddoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee KG oo sheegay inay ku soconayaan habraacyadii hore.

0
64

Muqdisho:-Guddoomiyaha Guddiga farsamada soo xulista Xubnaha Barlaamanka Labaad ee Koofur Galbeed Soomaiya Maxamed Keeroow Maxamed, ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha horyaalla iyo qaabka ay u wajahayaan shaqada loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in 95 Xildhibaan laga dhigayo mudanayaasha Baarlamanka Koofur Galbeed halka ay markii hore ka ahaayeen 149 iyaga oo raacaya Dastuurka u yaalla.

Wuxuuna intaa ku daray in howsha inteeda badan ay saaran tahay Odayaasha Dhaqanka oo soo xulaya Xildhibaannada iyaguna ay yihiin fududeeyayaal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in waajibaadka saaran ka Guddi ahaan uu yahay in ay Odayaasha ku hagaan qodobbada looga baahan yahay iyo in ay ku jiheeyaan habraaca soo xuliska xubnaha qeybta ka noqonaya Baarlamaanka Labaad ee Koofur Galbeed.

Maxamed Keeroow, ayaa sheegay in ay qancinta Beelaha dega Koofur Galbeed tahay mid dhib badan, balse ay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uguna fudud ay kusoo gaba-gabeeyaan howsha loo xil-saaray.

About Author