Post View....

Shacabka Gaalkacyo oo argagax ka qaaday afar ganacsato oo dil maanta loo geystay

0
59

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhaba gal ahaa oo maanta lagu qaaday gaari ay la socdeen dad ganacsato ah, xilli uu marayey duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Taarugo oo dhaca galbeedka magaaladaasi.

Sida ay Badweyn Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah gaariga la rasaaseeyey ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu ku sii jeeday deegaano ka tirsan isla gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay illaa afar qof oo ka mid ah rakaabkii saarna gaariga, kuwaas oo ahaa ganacsato qaadka iibisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii weerarka fuliyey ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo sidoo kale maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa Mudug oo ay ka jiraan colaado sokeeye ka dhaca weeraro khasaara geysta oo ay fuliyeen maleleshiyaad hubeysan oo ku sugan gobolkaasi.

About Author