Magaalada Dhuuso mareeb waxaa ka dhacay maanta oo Khamiis aheyd Kulan Bulshada dad laga soo xulay iyo Hogaanka Galmudug Ee Axmed Qoor qoor madaxweynaha u yahay.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal,Kuxigeenkiisa Labaad Faadumo Cali Faandhe,Xildhibaano ka socday Labada Gole Ee Dawlada Federaalka Soomaaliya,Haween,Odayaal dhaqameed,Dhalinyaro iyo Culimada Galmudug qaarkood.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor oo afar cisho ka hor Lagu doortay Dhuuso mareeb ayaa kulanka ka sheegay inay utaagan yihiin inay dhageystaan cabashada dadka qaba ee hanaankii Doorashada galmudug diidan.
Waxa uu ka dalbaday inay muhiim tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa daadajinta Nidaamka Maamul Ee Dadka Reer Galmudug heleen iyo Dawlad Dhexe oo taageero la daba joogta.
Inta badan dadka kulanka joogay waxay ahaayeen kuwii ayidsanaa soona dhaweeyey Doorashadii Dawlada ku qabatay 2-Febraayo 2020 Magaalada Dhuuso mareeb,iyadoo ay jiraan dhinacyo badan oo reer galmudug ah oo dhaliilay Doorashadaasi.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â