Post View....

Sawirro:Al-Shabaab oo Kenya ka geysatay Weerar ay ku gubtay Gaadiid Dhismo.

0
64

Labo gaari oo ah Nuuca dhismaha Waddooyinka ayaa lagu gubay Deegaanka Milihoy ee ismaamulka Lamu, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag katirsan Al-Shabaab sida ay warisay Warbaahinta Gudaha Kenya.

Gaadiidkaan waxaa iska leh Shirkad ka diiwaangashan Dalka Shiinaha oo lagu magacaabo H Young AND Company East Afrika, waxaana lagu dhex gubay xero ay leedahay Shirkadda.

Labada gaari ayaa kala ahaa Baldoor oo ay u adeegsanayeen hagaajinta waddooyinka iyo Booyad nuuca loo adeegsado qasidda shamiitada.

Warbaahinta ayaa soo warisay in ay badbaadeen wadayaasha gaadiidka la gubay, kadib markii ay ku baxsadeen dhulka Hawdka ah ee ka dhaw Xero Shirkadda dhismaha qaabilsan.

Shirkadda H Young ayaa qandaraas ku qaadatay dhismada waddo isku xiri doonta Lamu iyo Garsan oo dhererkeedu yahay 135KM, Gudoomiyaha Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in ilaa iminka aysan xaqiijin ujeedada weerarkaas.

Inta badan weerarada ka dhaca Dalka Kenya waxaa sheegta Al-Shabaab, waxaana bilawgii Bishii Janaayo sanadkaan 2020 ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Badda Kenya iyo saraakiil Kooban oo Mareykan ah ku leeyihiin Manda Bay, waxaana ka dhashay Khasaare Naf iyo mid maaliyeed oo gaartay Agabka ay ku howlgalayeen Ciidamadaas.

About Author