Post View....

SAWIRO:Banaanbax ka dhan ah Dowlada Somalia oo ka Socda Magaalada Kismaayo

0
59

Qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Kismaayo ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan dagaal beeleed maalmahaan ka socdey deegaano ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa dagaal ku bilaawdey dilal qorsheysan una dhaxeeya laba beelood waxaa uu ka dhacay deegaannada,Dalsan iyo Haadweyne ee duleedka Magalada Kismaayo,kaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

Dadka banaanbaxa ka qeyb-galaya oo intooda badan xirnaa dharcad oo muujinaya caalamad nabadeed ayaa waxaa ay ku baaqeen in dagaalkaas si deg deg ah loo joojiyey.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin dagaalkaas,iyaga oo Madaxda Maamulka Jubbaland & Waxgaradka llabada Beelood inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa beelaha dagaalamaya.

About Author