Post View....

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay Doorashadii Madaxweynaha Gamudug iyo Ku xigeenkiisa.

0
68

Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, taasi oo ay taageersaneyd dowladda Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayan Doorashadii Maanta uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaahiye Qoorqoor oo noqonaya Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, isla markaana ay aqoonsan yihiin.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran.

Dhinaca kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Axmed Cabdi Kaahiye, kaasi oo Maanta Xildhibaanadan Galmudug ku doorteen Magaalada Dhuusamareeb.

“Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran, Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed oo ka fogaado qalalaase. hambalyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Qoor Qoor Hadda waa in aan diirada saarno mudnaanta koowaad ee Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 66 Codka, waxaana uu noqonayaa Madaxweynaha Galmudug u hogaamin doona Afarta sanno ee soo socda.

About Author