Post View....

Cumar Filish Oo Uduceeyey Madaxweyne Axmed Qoor qoor Muxuuse Ku Yiri?

0
62

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka dhacday magaaalada Dhuusamareeb.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ee Xamar waxay balan qaadeysaa inaan si dhaw ula shaqeyn doono oo aan garab taaganahay hogaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor” ayuu yiri Gudoomiye Cumar Filish.

“Waxaan Ugu duceynaaya Madaxweynaha cusub ee Galdmudug iyo ku-xigeenkiisa in uu alla u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo doortay islamarkaana ay ku guuleystaan wajibaadka iyo howlaha culus ee horyaala” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa noqonaya Madaxweynihii Saddexaad ee Galmudug ee yeelato Muddo bil ah , dhawaan Dhuusamareeb waxaa lagu doortay Sheekh Maxamed Cali Xasan, halka Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweyne Xaaf oo halkaasi ka dhisay baarlamaan iyo Madaxweyne ku xigeen.

About Author