Post View....

Qoorqoor oo si deg deg ah ugu yeeray Golaha Wasiirada Galmudug & Halin arin oo kala hadli doono

0
67

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda ayaa si deg deg ah ugu yeeray Golaha Wasiirada Galmudug, ee ka maqan Magaalada Dhuusamareeb.

Amar Arbacadii ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa loogu yeeray Golaha Wasiirada inay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Amarka ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ay sii shaqayn doonaan, illaa iyo inta uu Madaxweynuhu ka soo magacaabayo Golaha Wasiirada cusub.

Wasiirada Galmudug ee kal hore uu soo magacaabay Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa intooda badan kala joogga Magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Nairobi.

Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhalinta reer Dhuusamareeb ayaa yeeritaankan ku sheegay mid uu Qoorqoor ku beerlaxowsanayo Maamulka Madaxweyne Xaaf, si uu ugu xalaaleysto madaxtinimadiisa.

Bashiir Nageeye oo la hadlay Warbaahinta  ayaa qaba inaanan marnaba Madaxweyne Qoorqoor bishan February laga fillan doonin inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, haddii uu magacaabis samaynayana ay ugu soo horeyso bisha soo socota ee March.

Qoorqoor ayaa doorasho si weyn loogu kala qaybsamay waxaa 2-dii bishan loogu soo doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee Maamulka Galmudug.

 

About Author