Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa gaarey ciidamao si gaar ah u tababaran oo la sheegay dowladda Federalka ay ugu talagashey in ay la dagaalanto Ururka Al-Shabaab.
Meelaha Ciidamadan la geeyey ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Baardheere, Beled-Xaawo iyo Luuq ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana ay xoojin doonaan ciidamadii hore ee halkaasi ugu howlgeli jirey.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heynso xiligan, ayna qorsheynayaan inay balaariyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dad u badan Siyaasiyiin ayaa aad dowladda ugu dhaliilay Ciidamada faraha badan oo ay geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,iyaga oo u arka inay Ciidamadaas colaad abuurayaan.
Â