Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf weyn oo ka dhex jira kooxda Al-Shabaab, kaasi oo horseeday is-beddelo weyn.
Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.
NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.”
NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer, mana shaacin sida ay ku heshay xogtan xasaasiga ah ee kooxda Al-Shabaab dhexdeexa ka timid. Sidoo kale ma jiraan ilo-wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara warkan.
Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.
— NISA (@HSNQ_NISA) February 3, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay weerarkii 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay in ka badan 80 qof oo badankood ahaa dad shacab ah.
Al-Shabaab ayaa qirashadaas ka sokow waxay raali-gelin ka bixisay dadka shacabka ah ee halkaas lagu laayey, taasi oo ahayd tallaabo aan looga baran.