Post View....

XOG: Axmed Madoobe & DENI oo laga hor istaagay kulamada ka dhanka ah DF ee ay ka wadaan Nairobi

0
66

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay safaaradda Kenya ee Soomaaliya ay kala hadashay iney joojiso shirarka hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ku leeyihiin magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan qarsoodi ah Madaxtooyada Villa Somalia uu kula yeeshay safiirka Kenya Kyle McCarter,wuxuuna ka dalbaday in la joojiyo shirarka ka dhan ah Dowladda Federaalka ee siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku leeyihiin magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u arka kulamada magaalada Nairobi ay ku leeyihiin Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada mid lagu curyaaminayo horumarka iyo madax banaanida dalka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa maalmihii u dambeeyay halkaas ka waday kulamo ay leeyihiin dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay kala hadlayeen marxaladda dalka uu marayo iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka uu wajahayo.

Sidoo kale, Siyaasiyiin mucaarad ah iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ayaa ku sugan magaalada Nairobi kuwaas oo gaabaya hoggaamiyeyaasha waa weyn ee mucaaradsan Villa Soomaaliya.

About Author