Post View....

NISA oo damiin iyo shuruud kusii deysay guddoomiyihii rugta ganacsiga G/Banaadir

0
67

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Badweyn Online ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ay damiin kusii daysay guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan.

Axmed Cabdullaahi Xasan, oo tuhun la xiriir inuu yahay Al-Shabaab loo xiray, 23-ka Janaayo, 2020, ayaa lasii daayey dhowr maalmood ka hor, sida aan xogta ku helnay.

Axmed Cabdullaahi, oo weli baaritaan uu ku socdo, ayaa shuruudaha lagu sii daayey waxaa ka mid ah inuu toddobaad kasta xarunta NISA u yimaado wareysi, iyo inay damiinta dad lagu kalsoon yahay.

Guddoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa ayaa la xiray toddobaad kadib markii 16-ka Janaayo 2020 ay idaacadda VOA sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah oo la isku mari waayey cidda noqoneysa guddoomiyaha ee rugta ganacsiga gobolka, ay ugu dambeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa 25-kii Janaayo sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Jimcaale, ayada oo la sheegay inaan waxba loo haysan, laguna waayey wax xiriir ah inuu la leeyahay Al-Shabaab, sida ay ogaatay Badweyn Online.

Kooxda Al-Shabaab ayaan illaa iyo hadda ka hadal xariga xubnahan lagu tuhmay, hase yeeshee waxay beenisay inuu kooxdaas ka tirsan yahay Fanaan Abshir Gaarane Axmed oo sidoo kale NISA ay u xirtay inuu Shabaab yahay.

About Author