Post View....

Diyaarad Rakaab La socdeen Oo Suuliga Bistoolad Lagu arkay & Waxa Dhacay

0
61

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa aad uhadal heysay Dhacdadaan oo dhif iyo naadir ah in Hub lagu arko Diyaarad dhexdeeda.

Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Dalka Ingiriiska David Cameroon ayaa Baasaboorkiisa iyo Bistoolad uu lahaa mid ka mid ah Ilaaladiisa waxaa uu kaga tegay Suuliga.

Askarigaas ilaalada u ahaa Mr Cameroon ayaa hilmaamay iyadoo qof ka mid ah Rakaabka uu xaajo ahaan ugu tegay Musqusha uuna arkay Bistoolad.

Waa uu naxay sida uu sheegay wuxuuna war geliyey Shaqaalaha Diyaarada,inkastoo cabsi badan jirtay hadana xaaladu caadi bey kusoo laabatay.

Rakaabka Diyaarada British Airweys ayaa ay ahaayeen kuwa dhacdadaas la kulmay,waxaana ay iskaga kala gooshayeen xilligaasi New York oo Mareykanka ah iyo London oo ay usocdeen Dalka Ingiriiska.

Booliska London ayaa Bistoolada lagu wareejiyey iyo Baasaboorka David Cameroon ee suuliga diyaarada lagu ilaaway taariikhdu markii ay aheyd 3 Bishaan Febraayo 2020-ka.

About Author