Post View....

Mareykanka oo baaq u jeediyay Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada

0
74

Xilli uu isa soo tarayo khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada ayuu Mareykanku ku baaqay in ay wada shaqayn yeeshaan labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa lagu sheegay in wadahadalada labada dhinac, ay muhiim u yihiin guulo laga gaaro caqabadaha wiiqay amniga dalka.

“Hannaan wadahadal iyo isu-tanaasul oo dib loo soo noolleeyo waxa uu lagama maarmaan u yahay dhammaan dhinacyada, si wax looga qabto caqabadaha amniga, wanaaga dadka Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay sare u qaaddo hadafyada iyo ujeedooyinka aan wadaagno.” Ayuu lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu fahamsan yahay in Somaliya ay wajaheyso marxalad adag, taa oo caqabad ku noqon karta jaanta Somaliya, ee ay tahay inay ku gaarto jidka dimoqraadiyadda.

“Waxaan garowsanahay in Somaliya ay mareyso marxalad adag oo qayb ka ah safarkeeda ku wajahan dimoqraadiyadda. Ayada oo hanaankii doorashooyin ee dhowaanahan aysan wada noqon kuwa wada saxan, haddana waxaan dhammaan Soomaalida ugu baaqeynaa inay diiradda saaraan dib u heshiisiin.” Ayaa lagu sheegay qoraalka caawa ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyada Soomaalida ay yeeshaan, ay sahli doonto xaqiijinta amniga iyo in doorasho lagu kalsoonaan karo ay dalka ka dhacdo sanadka soo socda.

Warka Mareykanka ayaa laga dhadhansan karaa in dareen xoog lihi uu ka muujiyay is qabqabsiga siyaasadeed, ee mashquulka ku furay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

About Author