Post View....

Maxay ku badbaadday haweeneydii Masaajidka la gashay Eygeeda?

0
83

Haweeney maskaxda ka xanuunsan ayaa ka badbaadday inay xabsi ku gasho waddanka Indonesia ka dib markii lagu helay faldambiyeed la xiriira ku xadgudubka diinta Islaamka.

Gabadhan ayaa in muddo ah loo maxkamadeynayay falka ay ku kacday oo ahaa inay Eygeeda la gashay msaajid dhexdiis.

Muuqaal lagu arkayay Suzethe Margaret oo masaajidka sii galeysa iyadoo kabaheda qabta isla markaana Eygeeda kusii dhex deyneysa ayaa dunida ku faafay bishii July ee sanadkii 2019-kii.

Arrintaas ayaa kicisay caro weyn oo ay qaadeen shacabka waddankaasi ay Muslimiinta ku badan yihiin, kuwaasoo aaminsan in Eeyga uu nijaas yahay, ayna mamnuuc tahay in lala galo masaajidyada.

Guddi garsooreyaal ah oo ku sugan maxkamad ku taalla magaalada Bogor, oo u dhow caasimadda Jakarta, ayaa Arbacadii maanta haweeneydaas ku helay fal dambiyeed ku saabsan inay diinta ku xad gudubtay, balse waxay sheegeen inaan loo xukumi karin ficilka ay ku dhaqaaqday.

Margaret ayaa nooc ka mid ah xanuunnada maskaxda laga helay sanadkii 2013-kii, xilligaasoo tijaabo caafimaad ay martay.

Hase yeeshee dacwad oogeyaasha ayaa dalbaday in lagu xukumo ilaa siddeed bilood oo xabsi ah.

Maxaa lagu arkay muuqaalka?

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Haweeneyda oo u muuqatay inay isku buuqsan tahay ayaa gashay masaajidka ku yaalla magaalada Bogor, iyadoo markaas sheegeysay inay masiixiyad tahay laakiin seygeeda uu ku guursan rabay masaajidkaas maalintaas galinkeeda dambe.

Waxay masaajidka ku eedeysay inuu seygeeda soo muslimiyay, ka dibna Eygeeda ayey ku sii deysay gudaha Masaajidka. Dadka ku sugnaa Masaajidka ayaa sheegay inaysan wax war ah ka heynin arooska ay ka hadleysay.

Kadib waxaa la arkayay haweeneyda oo haraati ku dhufaneysa nin waardiye ah u sheegay inay ka baxdo masjidka.

Waxaa lagu soo warramay in eygeedii uu markii dambe ku dhintay laamiga, halkaasoo uu gaari ku jiiray.

About Author