Post View....

Madaxweyne Dani: “Xukuumadda RW.khayre waxay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamul Goboleedyada Dalka…”

0
58

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa ka hadlay Arrimo kala duwan, isagoo eedeeyn u jeediyay Madaxda dowladda.

Madaxweyne Saciid Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu hareer maray nidaamyadii horey loogu hashiiyey.

Saciid Deni wuxuu sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare khayre ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamul Goboleedyada dalka ka jira waa sida uu hadalka u dhigay.

“Wax badan ayaa Madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammaayo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in 15-ka Bisha saddexaad ee 2020 Magaalada Garoowe lagu qabanayo Shirwadatashi, isagoona u yeeray dhammaan Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland Federaalka kumatala iyo Siyaasiyiinta si wadatashi looga yeesho Khilaadka sii xumaanaya ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

About Author