Post View....

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Ciidamada DF Ee Baladxaawo

0
74

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa wada qorshe dagaal culus loogu qaadayo goobaha ay ciidamada Dowladda Federaalka kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Axmed Madoobe & Wasiir Janan oo Khadka Taleefanka ku wada hadlay ayaa isla go’aansaday in duulaan qorsheysan lagu qaado degmooyinka ay gobolka Gedo ka fadhiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka dibna loogu soo celiyo gacanta maamulka Jubbaland.

” Waxaan hadda wajaheynaa labo cadow midkood waa saaxiibkeen hore midna waa cadowgeena koowaad ee Al-Shabaab,marka dadaalo badan oo aan sameynay dabadeed waxaan go’aan ku gaarnay in dagaal la galo,maadama Dowladda ay kordhisay ciidanka ay ka soo dejineyso gobolka Gedo,Alle ha idin guuleeyo ee adkeeya Difaaca deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo khadka taleefanka kula hadlayay ciidamo badan oo uu horkacayo Wasiir Janan oo ku sugan duleedka Baladxaawo.

Xiisad iyo saan saan dagaal ayaa laga dareemayaa degmada Baladxaawo oo ku dhow Xadka Kenya,waxaana ciidamada Dowladda Federaalka oo hubeysan buux dhaafiyeen magaalada.

Wasiir Janan iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo ku sugan duleedka Baladxaawo ayaa wada dhaq dhaqaaq ciidan,kuwaas oo doonaya iney qabsadaan degmadaas.

 

About Author