Post View....

Hoggaanka Dhaqanka Beled Xaawo oo war ka soo saaray xiisadda ka taagan & hal arin oo ay ka digeen

0
51

Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Beled Xaawo ayaa waxay soo saareen bayaan ay ku dalbanayaan in xal aan dagaal ahayn, ay wajahaan labada dhinac ay isu haya gacan ku haynta degmadaasi.

Dhiiladan ku soo korortay Degmada Beled Xaawo ayaa sidoo kale laga dareemay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoona uu dadku aad u hadalhayo.

Suldaan Cabdi Aadan Xasanaa, Hoggaamiyaha Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Beled Xaawo ayaa marka hore sheegay in dadka reer Beled Xaawo, ay yihiin dad jecel dowladnimada iyo nabadaba, waxa uuna labada dhinac ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida degmadaasi.

Suldaan Cabdi Aadan Xasanaa oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dadka reer Beled Xaawo ay nabadgelyo doonayaan, horeyna ay dhexdooda nabad u taalay.

“Anigoo ah Odaygii Guurtida Degmada. Degmadan iyo dadka joogaba waa dad dowlad jecel, nabadgelyana jecel, aadna u jecel inaysan xabad, waa na soo daashatayee dib dambe u dhicin. Waxaan ugu baaqaynaa ciidamada joogga deegaankan in ay nabadgelyada ilaaliyaan, shacabkooda iyo umadoodaba inay ilaaliyaan, ayna u turaan dadka dhalay, la dhashay, ayna dhalleen. Dadka shacabka ah nabadgelyo ayay rabaan, dhexdoodana nabad baa ka jirto, waa dad nidaam iyo maamulba jecel, waa dad colaad iyo dhib ay soo daashatay.” Ayuu yiri Suldaan Cabdi Aadan.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay haddii lagu dul dagaalamo shacabka reer Beled Xaawo, inay sidoo kale taasi saamayn ku yeelan doonto dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

“Haddii anaga uu dhibka na saameeyo ama xabadda ay naga dhex dhacdo, dadka deriska ahna way saamaynaysaa ee Soomaaliyeed ee labada dowladood. Waxaan marka ku baaqaynaa dowladda iyo dadka kale in shacabka loo turo.” Ayuu yiri Suldaan Cabdi Aadan.

Isagoo xoojinaya baaqooda nabadda ee labada dhinac ayuu yiri “Waxaan rabnaa si guud in maslaxad iyo wanaag aan ugu baaqno labada dhinacba, odayaashoodii baan nahay inay na maqlaan, naga oggoladaan, horeyna waan ugu baaqnay, waana u dhexgalnay, hadana ka daali mayno. Inay soo dhaweeyaan nabadda iyo baaqana waan u soo jeedinaynaa.”

Suldaan Xasanaa ayaa dhiilada ka jirta Degmada Beled Xaawo waxaa uu ku macneeyay mid salka ku hayso arrimo siyaasadeed, balse ay Alle ka rajeynayan in dhinacyadaasi ay aqbali doonaan baaqa Odayaasha Dhaqanka.

“Waa nidaam siyaasadeed waxa uun taaganoo aad maqleysaan, laakiin anagu waxaan leenahay nabadgelyo necbaan meynee shacabka haloo turo, horeyna waan u soo jeedinay, hadana waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa in baaqayaga la dhageysanayo, lana aqbali doono.” Ayuu yiri Suldaan Xasanaa.

Saan saanta colaadeed ee laga soo sheegayo Degmada Beled Xaawo ayaa timid, ka dib markii ay toddobadkii hore Ciidamada Dowladda la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, wax yar uun ka dib, markii ay isaga baxeen Ciidamadii Daraawiishta Jubbaland ee ku sugnaa, ha yeeshee ay dib ugu soo rogaalceliyeen.

 

About Author