Post View....

Kulan looga doodayo maqaamka Muqdisho oo la daah-furay.

0
61

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maanta waxa ay si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabteen kulan-howleed looga doodayo arrimaha maqaamka caasimadda Muqdisho ku dhexyeelaneyso nidaamka federaalka oo udub-dhexaad u ah dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish.

Ugu horeeyn waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish oo sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah maamulka gobolka islamarkaana ay soo dhaweeynayaan in si wadajir ah looga shaqeeyo asteeynta maqaamka Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlay Wasiirka Arrmaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo xusay in Wasaradda Arrimaha Gudaha ay muddo ka soo shaqeyneysay arrimaha maqaamka Muqdisho ayna ka diyaariyeen xulashooyin ama qaabab la qaadan karo loona baahanyahay in labada Gole ee Baarlamaanka ay ka soo saran sharci.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Arinta aan maanta u fadhino waa mid muhiim ah oo taabaneysa shacab badan oo dega gobolkan oo raadinaya xuquuqdooda, waxa aan dooneynaa in maqaamka Muqdisho loo falanqeeyo si qoto dheer maadamaa ay laf-dhabar u tahay dhameeystirka dastuurka”.

Ugu dambayn, kulanka oo ay ka soo qeybgaleen khubarro Soomaali ah ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa qaababka jira ee ay caasimadaha dunida ee federaalka ah ku dhisanyihiin si loo xusho qaabka ku haboon Muqdisho.

About Author