Post View....

DAAWO:Sanbalooshe oo kashifay arimo xasaasi oo shacabka laga qarinaaye iyo arimo kale oo aad u halis badan

0
64

Taliyihii hore ee ciidamada NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si weyn u weerarray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wareysi uu siiyey TV-ga Dalsan ayuu Sanbaloolshe ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doorasho ku yimid, balse aan wax rajo ah laga qabin inuu dalka doorasho ka qabto, isla markaana aanu daacad ahayn oo kalitya ay u muuqato xukunka inuu sii joog.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=FqqKETzKOWE]

Guud ahaan Farmaajo xukunka ayaa u cad.. mana jiro qof uu Gar ka yeelayo&waxaan ka cabsi qabaa in sida Maxamed Siyaad Barre ay dowladinamadii yareyg gacantiisa ku baaba..& ayuu yiri Siyaasiga Sanbaloolshe oo wareysiga uu bixiyey uu ahaa mid loo fasaxay inuu sidii uu doono u hadlo.

Wuxuu ku eedeeyay Farmaajo iyo Fahad la dirirsan yihiin beelaha waaweyn ee Soomaalida, ayna qorsheysteen inay curyaamiyaan dhaqaalaha dalka, isagoo Farmaajo la mid dhigay Maxamed Siyaad Barre.

About Author