Post View....

Kulamo iska soo horjeeda oo Saakay ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb & Ahlu Sunna oo lagu wado…

0
76

Labada maamul ee dhawaan lagu kala doortay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ka wadaan kulamo iska soo horjeedo, tiiyoo uu midba kale uu isu muujinayo.

Madaxda Maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna iyo kan dowladda ayaa ka soo muuqanayo kulamada iska soo horjeeda ee ka soconaya Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka ee garabka dowladda ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmaya Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, dhalinyarada iyo haweenka.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamadaasi kuwo lamid ah la qaadanaya qaybaha bulshada ee magaalada ku dhaqan.

Sheekh Maxamed Shaakir oo Sabtidii iyo Axadii siyaabooyin kala duwan ula kulmay haweenka iyo dhalinta reer Dhuusamareeb ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu kala shaqayn doono horumarinta deegaanka.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ee garabka dowladda oo isna la kulmay qaybaha bulshada ayaa marka hore weydiistay inay maamulka taageeraan, isla-markaana uu ka shaqayn doono dardar-gelin hawlaha maamul ee magaalada looga baahan yahay.

Kulamadan ayaa waxay magaalada ka dhacayan, xilli madaxda lagu soo kala doortay magaaladaasi ay isu diyaarinayan munaasabadaha lagu wado in lagu soo caleemo saaro.

Ka dib khilaafkii ka dhashay dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxay ugu dambeen ku soo biyo shubatay in saddex maamul laga kala sameeyo Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

 

About Author