Post View....

Daawo Vedio:Qafaalka Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo dhalinta lagu qowl furay

0
74

Waa dheg xumo kale oo ka soo yeereysa Magaalada Muqdisho, ka dib markii Dowladda Federaalka ay boqolaal dhalinyaro ah ku xareysay Xerada Jaziira, xilli aanay waxba kala socon waaalidiintii dhalay.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan ay Dowladda Federaalka u sheegtay in ay tababar ugu kaxeynayso dalka Qatar, bishiina ay dhaqaale wanaagsan heli doonaan mudada ay tababarka ku jiraan, balse dib laga ogaaday in dhalintaasi la qorsheynayo in loo kaxeeyo dalka Eritrea, iyadoo aanay wax mushaar ah heli doonin, mudada tababarka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya dhalinyaradan oo tiradoodu ay gaareyso toddobo boqol, da’dooduna ay u dhaxeyso 17-20 jir in 25-kii bishii January lagu xareeyay Xerada Jaziira ee Magaalad Muqdisho, tiiyoo aan laga talo iyo wargelinba waalidiintooda.

Hooyo Deeqa Suldaan Wardheere oo ka mid ah hooyooyinka dhalay dhalinta lagu xareeyay Xerada Jaziira ayaa ku doodeysa in wiilkeeda Cabdi Cismaan Nuradiin lagu marin habaabiyay hawo adduun, sida ay tiri.

Hooyo Deeqa Suldaan ayaa Warbaahinta  u sheegtay tan iyo markii wiilkeeda lagu xareeyay Xerada Jaziira uu walwal la soo dersay, ka dib markii ay sheegtay inaanay kaba war hayn in wiilkeeda lagu hayo xeradaasi.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=1F0Jw5Tv3DE?start=35&feature=oembed&w=696&h=392]

“Walaalow walwal iyo rafaad ayaa nala soo dersay, maalmahaan oo dhan carruurtii naga maqneed ayaan ogaanay in lagu haayo Xerada Jaziira. Waa carruur la khalday oo dowladda ciidan ka dhiganayso, arrintaas waxba kala socon. Dadaa noo soo sheegay war carruurtii aad raadineyseen waxaa lagu haayaa Xerada Jaziira. Waan isa soo uruursanay anagoo shan iyo toban hooyooyin ah waxaan tagnay xeradii lagu haayay ee Jaziira, laakiin albaabada ayay naga soo xirteen Khamiistii la soo dhaafay. Waxaan ku niri war waa hooyooyinkii dhalay carruurta aad soo xareysateen, cid warka naga gureysaba maba jirin.” Ayay tiri hooyo Deeqa Suldaan.

Waxa kaloo tiri “Adiga iska daba wareeg dheer ka dib waxaan maqalnay carruurta in lagu yiri waxaa tababar la idinkugu qaadayaa dalka Qatar, sagaal bil oo tababar ayaad meesha ku soo qaadanaysaan. Inta uu tababarka socdana bishii waxaad qaadan doontaan shan boqol oo dollar ($500). Damac ayaa galay, way ogolaadeen. Waalidiintooda oo aysan ka warqabin ayaa 25-kii bishii hadda la soo dhaafay lagu xareeyay Jaziira, intaas oo dhan waan raadineynay. Baasabooradii ayaa loo sameeyay, meeshii la rabay in Qatar looga qaado waxaa lagu yiri dalka Etrirea ayaa tababar la idin gaynaa, mushaarkiinana wuxuu bilaaban doonnaa markaad dalka ku soo laabataan oo bishiina laba boqol oo dollar ($200) ayaad qaadanaysaa. Inta tababarka idin socdana waxba ma qaadanaysaan. Maalmaha dhow ayaana la rabaa in dalka Eritrea loo kaxeeyo. Ma arkeysaa wixii ay kula heshiiyeen xitaa way uga baxeen? Anaga ma rabno inaad ubadkeena ciidan ka dhigataan ee noo soo fasaxa.”

Yusra Maxamed Geedi waa hooyada dhashay Qaasim Yaasir Diiriye oo ka mid ah dhalinyarada lagu hayo Xerada Jaziira, iyadoo waxa ka socda Magaalada Muqdisho ku sheegtay afduub.

Hooyo Yusra Maxamed ayaa waxay ka sheekeysay dhalinyaro ay shalay u suurta-gashay inay ka soo baxsadaan Xerada Jaziira, ka dib markii ay fahmeen sirta ka dambeysa barnaamijkii xerada salkeeda lagu keenay.

“Fiiri hadda shalay waxaa xerada ka soo baxsaday qaar ka mid ah dhalinyaradii lagu uruuriyay Xerada Jaziira, horta ma maqasheen? Haddii aad maqasheen qoladiina Warbaahinta maxaad dadka ugu sheegi weyseen? Haddii aadan maqlina adinkaaba la idin iibsaday. Dadka inaad u adeegtiin ayaa la idinka rabaa. Meel walba askar ayaa ka raadineyso wiilasha oo lagu yiri ka soo saara meel kastoo ay galeen. Waa xoog iyo khasab waxaan.”

Iyadoo hadalkeeda sii watada ayay tiri “Meeshaan waxa ka socdo waa afduub, waa qafaal, xagee lagu arkay wiilal aysan waalidiintood ka warqabin oo la askareynayo, meesha ma weysan dowlad ka jirin, ma dal ay jabhad maamushaa? Intii ay jireen dowladahaan dambe, tanoo kale horey dalka ugama dhicin.”

Hooyo Yusra ayaa intaa ku dartay “Haddii aad wiilasha u kaxeysaan Eritrea, Walaahi intaan Warbaahinta soo hor fadhiisanaa idinku jaa’ifeen doonnaa, waa maya soo maaha. Wiilasha aad afduubka nooga haysataan soo sii daaya.”

Saraakiisha Ciidamada Militariga ee Xerada Jaziira ayaa inoo xaqiijiyay in dhalinyarada lagu hayo xeradaasi laga qaaday teleefanadoodii gacanta, maalintii koobaadba ee lagu soo xareeyay xeradaasi.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee ceynkeeda ah, lagana soo wariyo Xerada Jaziira, tan iyo markii xeradaasi la furay horaantii 2012, inta ay taariikhda qoreyso.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=1F0Jw5Tv3DE?start=35&feature=oembed&w=696&h=392]

About Author