Post View....

KASHIFAAD Waa kuma wasiirka katirsan DF ee Jubbaland udiiday in booqdo degaanada KISMAAYO

0
70

Maamulka Jubbaland ayaa waxay kasoo horjeesteen Hanaanka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay kulamada uga wado Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Jubbaland Cumar Cabdi Bile ayaa sheegay inaysan Ka Maamul Ahaan wax talo ah ku laheyn Arimaha Dastuurka.

Shirkii ka furmay Sabtidii Isbuucaan ayey Jubbaland sheegtay ay muujineyso Dastuurkii Qaranka in koox gaar ah Afduub ugu jirto gacantoodana ku hayaan.

Wasiir Bile waxa uu sheegay inaysan raali ka aheyn sida uu Wasiir Saalax Axmed Jaamac wax uwado ayna Kismaayo imaanshahooda macno soo kordhin doonin.

Muqdisho oo hadda dhalinyarada iyo Bahda Warbaahinta ay Kulamo la leeyihiin kadib waxay Wasaarada Federaalka Ee Arimaha dastuurka sheegtay in Kismaayo ay ku wajahan yihiin.

Hase ahaatee ilo madax banaan ayaa usheegay Warqaad in Wasiirka la war geliyey inta uu isbadel ka keenayo hab shaqeyntiisa uusan Shir Dastuurka ah ku qaban doonin Kismaayo.

Bishii December 2019-kii waxaa Shir Wasaaradaha Maaliyada ka qeyb galeen Ka furay Kismaayo Wasiirka Maaliyada Dalka C/raxmaan Beyle,iyadoo Shirkaas loo arkayey mid isku soo dhawaanshiyo Jubbaland iyo DFS uu ka dhex abuuri karay.

About Author