Post View....

XOG: Axmed Madoobe & Ciidamo Kenyan ah oo ku wajahan Gedo & Xiisad taagan

0
74

Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehliyaan ciidamo Kenyan ah ayaa lagu wadaa iney maalmaha soo socda gaaraan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,halkaas oo ay ka taagan tahay khilaaf dhanka maamulka ah.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe uu Dowladda Kenya ka dalbaday in la geeyo degmada Baladxaawo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka si xal buuxa loogu helo khilaaf dhanka maamulka ah oo goobahaas ka jira.

Lama oga sida ay ugu suurta gelin doonto madaxweynaha Jubbaland tegitaanka degmooyinkaas oo ay ka jiraan muran dhanka maamulka ah qaarkoodna ay ku sugan yihiin ciidamo Dowladda Federaalka ay ka dirtay magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa isku horfadhiya degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal culus dhexmaro haddii aan la fara gelin.

About Author