Post View....

Jubbaland oo sheegtay in ay ka hortageyso dagaal ay kusoo qaaday dowladda dhexe

0
58

Golaha Wasiiradda maamulka Jubbaland ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ku Go’aamiyay in iska caabin looga jawaabo dagaal dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sheegeen in ay kusoo qaaday.

Kulanka waxaa Shir Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay sheegay in heegan buuxa la geeliyay Ciidanka maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weerar cad kusoo qaaday gobolka Gedo, islamarkaana ay xoog kula wareegtay.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Jubbaland meel walba oo ay jooggaan ay jawaab bixin doonaan,islamarkaana wixii Mas’uuliyad ah ay qaadan doonto dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Ciidamo kusoo daabushay Jubbaland.

About Author