Post View....

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo galabta la dhigay Roog Cagaaran, laguna sameeyay Dib u dhis balaaran.+Sawirro

0
66

Muqdisho:-Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa daah furtay dhigitaanka roogga cagaaran Garoonka Stadium Muqdisho.

Tuulada cayaaraha ee Muqdisho ayaa lagu sameeyay dib u dayactir xooggan, kaasi oo qeyb ka ahaa dhismihiisa barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Munaasabada daahfurka dhigista roogga cagaaran ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiir Khadiijo Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenada amniga iyo arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan bahda isboortiga dalka.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in garoonka lagu qaban doono tartamo isboorti oo lagu horumarinayo cayaaraha dalka.

 

About Author