Post View....

DHAGEYSO: Xog Laga Helay Dagaalka Gedo & Faa’iido Ku Jirta Al Shabaab

0
78

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shirkiisii Jaraa’id uu maanta ku qabtay Muqdisho waxa uu kaga hadlay Arimo Dhowr ah.

Eeda uu ujeediyey Dawlada Soomaaliya Madaxdeeda waxa uu kusoo aadiyey Seddex sano xilli ay maanta ubuuxsantay Madaxweyne Farmaajo intuu Xukunka hayo.

Waxa uu Mr Shakuur Sheegay inay Ciidamada dawlada udaabushay Gobolka Gedo ay ka dhigan tahay mid Shabaab Fursad lasiinayo.

Si gaar ah waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Ee Shabaab lagula dagaalami lahaa ay Dawladu arimo siyaasadeed iyo dagaal Dadka ka fikirka duwan u adeegsaneyso.

Gobollada Gedo iyo Gal gaduud ayuu Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Sheegay inay Amni ahaayeen balse Ay Dawlada ka abuurtay Colaad iyo iska hor keen Shacabka Deegaanadaasi ah.

Waxa uu sheegay inay wax laga xumaado tahay in taasi ay fursad u tahay Shabaab oo dagaalkii lala geli lahaa gaabis ku yimid.

About Author