Post View....

Madaxtooyada Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Beled Xaawo

0
73

Madaxtooyada Jubbaland ayaa war lagu daabacay Maanta duhurnimadii looga hadlay Dagaalkii maanta ka dhacay Buula xaawo Ee Gobolka Gedo.

HOOS KA KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA JUBBALAND

Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxaa saacad ka hor ku nafwaayey 4 askari oo ka kala tirsan Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka ay Dowlada federaalku ku soo daabushey gobolka Gedo.

Sidey wax u dhaceen?

Ciidanka ay DFS keentey Baladxaawo ayaa isku dayey inay hubka ka qaataan saddex Askari oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo marayey faras magaalaha Baladxaawo halkaas oo ay ka dhalatey is rasaaseyn khasaaro dhimasho iyo dhaawacba dhalisey.

Dhanka Jubbaland waxaa ka dhintey hal askari midkalena wuu ka dhaawacmey halka dhanka kale ay ka dhinteen 3 askari labana ka dhaawacantey.

Maanta yaa guuleystey ama guul darreystey?

Askar Soomaaliyeed ayaa qorigoodii Alshabaabka ku jeeday ayagii la isku soo jeediyey.

Maanta waxaa guul joogta Alshabaab oo xabadii ka baqsatey ay ku dhacdey askarigii dalka iyo dadka ka difaaci lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa iska leh masuuliyadda waxa baladxaawo iyo guud ahaan gobolka gedo ka socda.

About Author