Post View....

Dagaal ka dhacay Magaalada Kismaayo oo sababay dhimasho iyo Dhaawac.

0
75

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay aroortii hore uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba ruux ayaa dagalkaas ku dhintay, halka 5 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana Meydadka iyo dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo uu salka ku haayo aanooyin qabiil, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in halkaas ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dagaalo salka ku haaya aanooyin qabiil, kuwaasi oo sababa Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Author