Post View....

Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho qeybo ka mid ah iyo Khasaaraha ka dhashay.

0
65

Muqdisho:-2-Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka kala dhacay xaafadda Xoosh ee Dharkeynley iyo meel u dhaw isgoyska Ex-Control Balcad ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay xaafadda Xoosh ayaa haleelay gaari uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka degmada Kaxda Cabdinaasir, waxaana la sheegay in uu ku dhawacmay qaraxaas guddoomiye ku xigeenku

Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxaas laba askari oo ilaalo u aheyd, halka askar kalena ay ku dhaawacmeen sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda.

Qaraxa kale eek a dhacay Ex-Control Balcad ayaa ahaa qarax nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday kolonyo ka tiresan ciidamada AMISOM oo halkaas marayey.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee AMISOM ka soo gaaray qaraxaas, balse qaraxa kadib waxay fureen ciidamadu rasaas muddo socotay inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ay geysatay rasaastaas.

About Author