Post View....

Daawo Vedio:Dowladda somalia oo soo furatay caruur ay si ‘qasab ah’ Al-Shabaab ku askareysay+Sawiirro

0
52

Maamulka konfurgalbed somalia  ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ku soo furteen caruur la sheegay in si qasab ah lagu askareeyey oo kooxda Al-Shabaab ku tababareysay deegaan hootaga gobolkaasi.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeedsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

BAYDHABO

Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad oo u diyaar-garoowey howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka AlshabaabFaysal Adow

Posted by KGS TV on Friday, February 7, 2020

Xilliga la qabanayey ayuu sheegay in ay la socdeen mootooyin nooca seddex lugleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow, isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale lala qabtay laba darwal oo kaxeynayey mootooyinkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan caruurta lagu hayo saldhigga Booliska Xudur, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

About Author