Post View....

Coronavirus: Shan arrimood oo aad u baahan tahay in aad ogaato

0
74

Khuraafaadka ku gedaaman halista coronavirus ee caalamka ayaa wareegaya. Haddaba halka waxaan idiinkugu soo gudbineynaa xaqiiqooyiin ku saabsan.

Waxa sanka lagu xirto si fiican kuuma caawinayaan

Waxaa suuragal ah in aad aragto dad sanka iyo afka u xiran yahay, balse caddeyn badan looma hayo in ay taa ka caawineyso in xanuunka ay ka badbaadaan.

Waxaa taas ugu wacan in ay maradaas dabacsan tahay, ma qarinayaan indhaha, muddana lama xirnaan karo.

Waa in si joogto la isaga badalo ka dib marka lagu dhidido, waa haddii aad dooneyso in si wanaagsan ay kuu caawiyaan.

Si aad isaga ilaaliso coronavius, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka hadashay waxa muhiimka ah:

  • sanka iyo afka qabso marka aad hindhisooneyso. Waxaad adeegsataa tiish ama gacantaada.
  • tiishkaas isla markiiba waxaad ku dartaa qashin daboolan.
  • ka dib gacmaha si joogto ah isagaga dhaq saabuun ama dawooyiinka kale ee nadaafadda.
  • ka fogow dadka aadka u hindhisoonaya ama u qufacaya (ugu yaraan hal mitir u jirso).

Ha dhibsan:

  • cunidda toonta
  • luq-luqashada
  • in sanka aad dawo ku dhaqato
  • in saliidda sisinta aad mariso wareegga sankaaga

Dhammaan arrimahaas kaama caawinayaan ama kaama ilaalinayaan ka hortagga caabuqa cusub ee corona, sida ay WHO sheegeyso.

Dog and cat playingLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionEeyaha iyo bisadaha ma ahan kuwa faafinaya.

Caabuqa kama qaadeysid xaywaannada

Ma jirto caddeyn ah in bisadaha ama eeyaha uu ku dhici karo caabuqa cusub ee corona, sida laga soo xigtay hay’adda WHO.

Laakiin, taas micneheedu ma ahan in gacmahaaga aadan si joogto ah ugu dhaqeynin saabuun, ka dib marka aad taababto.

Xittaa taabashada eeyaha waxaa laga qaadaa jeermis sida midka loo garanayo E.coli iyo salmonella – waana waxyaabo yaryar oo eeyaha iyo bini-aadamka u kala gudba.

Caabuqan cusub ee aan weli magaca loo helin waxaa loo maleynayaa in uu ka yimid suuqa xaywaanka nool ee Wuhan, Shiinaha – iyadoo laga yaabo in uu ka yimid duurjoogta.

Caabuqa wuxuu ku faafi karaa noolaha iyadoo aan la ogaanin ayuuna u gudbi karaa aadanaha, waana sida ay caabuqyo badan ku bilowdeen. Waxaa ka mid ah hargabka avian, Ebola iyo Sars.

Taas micneheedu ma ahan in xaywaanka aysan sida guud ahayn halis ama kuwa cudurro faafiya.

Coronavirus which causes respiratory problemsLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCaabuqa cusub wuxuu qeyb ka yahay cporonavirus, kaas oo ay ka mid yihiin hargabka, Sars iyo Mers

Waa ‘dilaa’ dhif ah

Dadka qaar waxaa suuragal ah in calaamado halis ah ay ka muuqdaan (sida qufac iyo qandho saa’id ah) ayna ka soo kabsadaan, sida dhaqaatiirta UK ay sheegayaan.

Sikastaba, caabuqa wuxuu dadka qaar ka dhigaa kuwo si xun u xanuunsan (oof-wareen, iyo naqaska oo qofka ku dhega) tiro yar oo dad ahna way u dhintaan. Waxay u badan tahay in dhibaato dhanka sambabka ah uu sababo.

Xusuusnow in hargabka soo noqnoqda uu sidoo kale dadka dili karo – celcelis ahaan, 600 oo qof ayaa sannad kasta UK ugu dhimata hergab xumaaday.

“Halista way yartahay marka la is barbardhigo noocyada hergabka ah iyadoo wax kasta oo looga hortagi lahaa ay meesha yaallaan”, sida uu sheegay Prof Jonathan Ball, oo ka tirsan Jaamacadda Nottingham.

Wuxuu ku talinayaa in nadaafadda si wanaagsan loo dhowro si la isaga ilaaliyo hergabka iyo coronavirus.

Seynisyahannada weli ma aysan ogaan sida uu caabuqan cusub ku faafo.

“Qunfac goos goos ah iyo san-goror yar oo neefta ku xira qofka ayey u badan tahay in lagu garto,” suda uu sheegayo Prof Ball. Haddaba in la karantiilo ama meel cidlo ah la geeyo dadka ka soo noqonaya Wuhan waxay gacan ka geysaneysaa yareynta halistaa.

Helidda tallaalka hergabka weli waa arrinta ay dhaqaatiirta ku talinayaan.

Laakiin ma jirto dawo rasmi ah

Ma jirto dawo cayiman ama tallaal loo sameeyay caabuqa cusub, sidoo kale antibaayootigga waxba kama tarataan (keliya jeermiska ayey la dagaallamaan).

Waxaa jiro noocyo dawo ah laakiin dadka badankooda way iska soo wanaagsanaadaan dawo la’aan.

Seynisyahannada shaqo adag ayey hayaan si ay tallaal ugu sameeyaan caabuqan, laakiin waa in dawadaas marka hore ay marto dhowr tijaabo, hadaaba wakhti ayey qaadan kartaa ka hor inta aysan diyaar u noqon in dadka lagu daweeyo.

Dadka da’da ah iyo kuwa kale ee xaaladaha caafimaad xumo wajahaya, sida neefta, wadna-xanuunka, kansarka iyo sokorowga ama macaanka, waa kuwa u nugul caabuqa cusub.

In kastoo qof kasta iyo da’ kasta uu ku dhici karo, haddana tiro aad u yar ayaa u dhimaneysa xanuunkan.

Chinese take-away foodLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Waa caadi, dhibaatana ma lahan in la cuno raashiinka Shiinaha

Uma baahnid in aad iska ilaaliso ama ka fogaato cuntada Shiinaha inkastoo cabsi baahday laga dareemayo baraha bulshada.

WHO waxay dhankeeda sheegeysaa in xitaa aysan dhibaato lahayn in alaab ama warqado lagaaga soo dhiibo Shiinaha.

Waxay u badan tahay in caabuqa uusan ku badbaadi karin safarada dhaadheer dhexdooda iyo gudaha alaabta, waxaana alaabtaas ka mid ah koobabka iyo qataarada albaabada.

Waa inaad si dhow ula xiriirto qof caabuqa uu ku dhacay – waana in aad u jirsato laba mitir muddo 15 daqiiqo ah iyo in ka badan – taas oo halis ku gelin karta, sida ay ku taliyeen dhaqaatiirta faya-dhowrka.

About Author