Post View....

Ciidamada dowladda Suuriya oo mar kale laayay askar Turki ah

0
64

Shan askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga ayaa lagu dilay Suuriya, halka shan kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii lala beegsaday madaafiic ay soo tuureen ciidamada dowladda uu madaxweynaha ka yahay Bashaar al-Asad, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga.

Ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay Waqooyiga-galbeed ee Suuriya, xilli ay howlgal halkaas u joogeen.

Madaafiicda ay soo rideen ciidamada dowladda Suuriya ayaa lagu soo warramay inay ku dhaceen fariisin ay askarta Turkiga ku leeyihiin saldhigga ciidanka cirka eeTaftanaz, kaasoo ku yaalla gobolka ay xoogagga mucaaradka gacanta ku hayaan ee Idlib.

Milatariga Turkiga ayaa gantaallo aargoosi ah la beegsaday goobo ay ciidamada xukuumadda Dimishiq uga sugan yihiin isla gobolkaas.

Hal isbuuc ka hor, siddeed askari oo Turki ah ayaa lagu dilay weerar noocaas ah.

Ciidamada dowladda Suuriya, oo garab ka helaya maleyshiyaadka ay taageerto Iiraan iyo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa tan iyo bishii December la wareegay magaalooyin badan xaafado ku yaalla gobolka Idlib.

Qiyaastii 700,000 oo rayid ah, oo u badan haween iyo carruur ayaa ku barakacay dagaalka ka socda halkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Turkiga oo taageera ciidamada fallaagada ku ah dowladda Suuriya, kana cabsi qaba in qaxooti badan ay ku jabaan waddankiisa, ayaa u qabtay ciidamada Suuriya ilaa bisha February si ay uga baxaan 12 goobood oo ay Milatariga Turkiga kormeer ka sameynayaan.

Xarumahan ayaa laga sameeyay gobolka Idlib, waxayna waafaqsan yihiin heshiis Turkiga uu la galay Ruushka iyo Iiraan sanadkii 2017-kii.

.Lahaanshaha sawirkaANADOLU AGENCY

Turkiga ayaa sidoo kale boqollaal askari iyo taangiyo u diray goobaha ay ciidankiisa ku sugan yihiin, si ay gurmad ugu noqdaan.

Bayaan kasoo wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa lagu sheegay in shanta askari lagu dilay weerar maanta oo Isniin ah dhacay.

Dagaaka ka socda gobolkaas ayaa aad usii xoogeystay muddooyinkii dmabe.

“Meelaha laga soo tuuray gantaalladaas durba ayaa dib loo bartilmaameedsaday… meelihii weerarka laga soo qaaday waa la burburiyay, dhiigga mujaahidiinteenna lagama daba harin”, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Ankara.

Madaxweynaha Turkiga ayaa isbuucii hore wacad ku maray in dalkiisa uu gacan adag uga jawaabi doono weerar kasta oo uga yimaada dhinaca ciidamada dowladda Suuriga.

Hadalkaas ayaa daba socday weerarkii lagu dilay askartii Turkiga ee Suuriya.

“Targets identified in the region were immediately targeted intensively… The targets were destroyed and the blood of our martyrs was not left on the ground,” it added.

About Author