Post View....

Ciidamo Amisom ka tirsan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh.dhexe & Tiirada dhimatay

0
69

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Gobolka Shabellaha dhexe, ciidamo ka tirsan Amisom, ayaa Qarax miino lagula eegtay Gobolkaasi.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Mahadaay & deegaanka Buurane ee Gobolkaasi Shabellaha dhexe.

Dadka deegaanka waxa ay soo wariyeen qaraxa inay dusha sare ka arkayeen qiiq & uuro ka dhashay Qaraxa, markii mid ka mid ah gaadiidka Amisom uu qabsaday Qaraxaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Amisom, halka kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaas, iyagoona sheegtay inay halkaas ku dileen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Amisom oo ay uga hadlayaan Qaraxii Askarta Burundi lagula eegtay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

About Author