Doorashadii madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug oo si nabad leh uga dhacday magaalada Dhuusamareeb February 2, 2020 ayaa waxaa ku soo baxay Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo helay 66 cod oo u dhiganta 74% (boqolkiiba 74) iyo k/xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid oo helay 46 cod una dhiganta 52% (boqolkiiba 52).
Walow tan iyo intii la dhisay gobolka, maamulka Galmudug uu ku sugnaa muran iyo khilaaf curyaamiyay adeeggii loo qaban lahaa bulshada, haddana doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug waxay caddayn u yihiin in dadaalkii lagu baadi goobayay maamul loo dhan yahay uu hirgalay.
Dowladda dhexe oo muddo 8 bilood ah dadaal lixaad leh u gashay in dadka deegaanku isfahmo ayaa u muuqata inay ku guulaysatay saddex arrimood oo kala ah:
(1) In maamulka Galmudug uu si dimuqraaddiyad leh u qabto doorasho, kaddib markii Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kooxda Ahlu-sunna iyo baarlamaankii Cadaado ay wada oggolaadeen in la qabto doorasho;
(2) In beelaha deggan gobolka ay oggolaadeen inay soo xulaan wakiillo ku matala Golaha Shacabka Galmudug; iyo
(3) In la qarameeyay dhalliyaradii hubka u sidday Ahlu-sunna si rasmi ahna loogu daray Ciidamada Xoogga Dalka.
Intaas waxaa dheer, in dhammaan 89kii xubnood ee Golaha Wakiillada Maamul-Goboleedka Galmudug, ay January 17, 2020 si dimuqraaddi ah u doorteen Guddoomiyaha baarlamaanka Muddane Maxamed Nuur Gacal oo helay 54 cod iyo kuxigeennadiisa Mudane Cabdullahi Xirsi Maxamed iyo Marwo Faadumo Cabdi Cali oo kala helay 59 iyo 47 cod.
Doorashada guddoonka baarlamaanka oo ay ka qayb galeen dhammaan xubnihii baarlamaanka gobolka ayaa caddayn u ah in kooxda Ahlu-sunna ay ku qanacsaneed awood qeybsiga gobolka. Dib u gurashada dambe – kadib markii musharraxii Ahlu-sunna laga adkaaday- waxay muujinaysaa isku kalsooni la’aanta kooxdan inay u tartanto si dimuqraaddiyad leh.
Sida muuqata, dowladda dhexe oo horey ku eedowday Baydhabo Kismaayahana jahawareer ka heesto, ayaa sumcad ku heshay inay furtay wadahadallo ay wax walba oo macquul ah ku oggolaatay si xal loo gaaro, halka isrogrogga Ahlu-sunna iyo Xaaf uu u muuqdo inay yihiin caqabadda nabadda. Taas waxaa xaqiijinaya in islamarkiiba beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka iyo Shiinaha u hambalyeeyeen dadweynaha Galmudug.
Fallanqeyeyaasha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in dowladda dhexe ay u dadaashay inay hirgalaa saddex ujeeddo oo kala ah:
1. In caasimadda gobolka ay ku soo wareegto Dhuusamareeb sida dastuurka maamul-goboleedka Galmudug uu qorayo;
2. In beelaha waqooyiga Galmudug ku qancaan inay ka tanasulaan u tartanka madaxtooyada, maaddaama loo ballan qaaday in loo maalgelin doono dekedda Hobyo oo door weyn ku yeelan doonto dib u soo nooleynta dhaqaalaha gobolka iyo qarankaba; iyo
3. In degmada Cadaado oo horey isu siisay in caasimadda ay martiggelin doonto lagu qanaciyay inay hoggaanka u qabato Galmudug horusocod ah.
Way iska caddayd in dowladda dhexe ay musharrax Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ka doorbidday kuwa aan ku aragtida ahayn, caqabadna ku noqon karay hirgelinta hannaan federal ah, oo ay hoggaanka u hayso dowladda dhexe. Sidoo kale, waxaa marqaati ma doonto in mucaaradka, gaar ahaan kuwa “dami jidiid” ay ku dhici waayeen inay u tartamaan si dimuqraaddiyad leh
Si kastaba ha noqotee, xaaladda siyaasadda si weyn ayey isu beddeshay. Ahlu-sunna waxay lumisay awooddii ay ku khaldi lahayd dadweynaha degaanka, kaddib markii lagala wareegay xerteedii (ciidamadii), sugidda amniga caasimadda gobolkana gacanta loo geliyay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
War iyo dhammaantii, mucaaradka dhaliilsan waddada ay dowladda u martay dhismaha Galmudug waxaa la gudboon inay gacan ka geystaan sidii loo dedejin lahaa dhismaha maxkamad dastuuri ah, halkaas oo ay horgeyn karaan cabashadooda, iyo weliba sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah. Mas’aladda muxaafidka Galmudug hortaal waa sidii uu u hirgelin lahaa isbeddel miro-dhal leh oo gobolka u horseeda xasillooni iyo horumar loo dhan yahay oo waara.