Post View....

Booliska caalamiga ee INTERPOL oo la weydiistay soo qabashada Cabdirashiid Janan.

0
63

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa looga hadlay dib usoo qabashada wasiirka Amniga maamul goboleedka Jubbaland, Cabdi Rashiid Xasan Cabdinuur “Janan”, kaasoo 28-kii bishii January ka baxsaday xabsi lagu hayay oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Janan oo markii hore “doon ku gaaray” dekedda magaalada Kismaayo ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay in diyaarad khaas ah lagu geeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

War-saxaafadeedka maanta kasoo baxay hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa Booliska Adduunka(Interpol) looga codsaday inay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii mar kale loo soo xiri lahaa Cabdirashiid Janan.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasrni ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul-insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba gaIabsan”, ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah war-saxaafadeedka.

(Sawir hore)

Dhinaca kale Soomaaliya waxay dowladda Kenya ka dalbatay inay kusoo wareejiso Cabdirashiid Jannan, sida ku xusan war-saxaafadeedka ay booliska soo saareen.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhakhsiyaha hadan ay u soo qabato una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur Janan, arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida. Nidaamka Caddaaladeed ee dalkeennu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, ivadoo la dhowrayo xaquaqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma aha wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay maanta soo saareen booliska Soomaaliya.

Dadaalka lagu doonayo dib usoo xirista Janan

.

Hadalka kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yimid maalin ka dib markii hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha, Amnesty International, ay Kenya ka dalbatay inay xirto Cabdirashiid Janan, kuna wareejiso mas’uuliyiinta Soomaaliya.

“Wasiirka Amniga dowlad goboleedka ee Soomaaliya loogu xiray ‘dambiyo aad u culus’ 31-kii August, 2019, kaasoo dhawaan ka baxsaday xabsigii lagu hayay, kuna sugan Kenya, waa in la celiyo si uu caddaaladda u wajaho”, ayey tiri Amnesty International.

Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika ayaa yiri: “Wax la aqbali karo ma aha in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladda”.

“Dowladda Kenya waa inay si deg deg ah u xirto uguna gacan galiso Dowladda Federaalka Soomaalia, taasoo laga dhowrayo inay ku qaaddo dacwad waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee caddaaladda ah, arrintaasna aan laga sii daahin. Dadka dhibbaneyaasha u ah dambiyada lagu eedeeyay waxay si dulqaad leh u sugeen caddaalad rajadoodana ma aha in la burburiyo”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

.

Janan ayaa ah wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, mas’uuliyiinta maamulkaasna waxay xariggiisa ku tilmaameen sharci darro

Cabdirashiid Janan oo tan iyo bishii August, 2019 u xirnaa dowladda Federaalka ayaa hal mar maxkamad lasoo taagay, isagoo loo heystay dacwado kala duwan. Lama sheegin sida ay ugu suurtagashay inuu baxsado.

BBC-da ayaa 31-kii bishii lasoo dhaafay xaqiijisay in Janan uu gaaray magaalada Nairobi, ka dib markii diyaarad khaas ah looga soo qaaday magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland ayaa la socday diyaaradda Cabdirashiid Janan geysay Nairobi, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay dowladda Kenya kasoo saartay arrintan, mana noo suurtagalin isku dayo aan u sameynayo inaan la xiriirno.

Jubbaland ayaa si joogto ah dowladda Federaalka ugu eedeyneysay inay waddo sharci darro ah u martay xarigga Janan, intii uu xabsiga ku jiray oo dhanna waxay dalbaneysay in shuruud la’aan lagu sii daayo.

Xigasho:BBCSomali

About Author