Post View....

Al-Shabaab oo weerar xooggan ka gaystay Gobolka Lamu ee dalka Kenya, kuna qarxiyay laba Gaari.

0
73

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-Sabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay gudaha dalka Kenya ka geystay weerar loo adeegsaday qaraxyo laguna gubay laba Gaari.

Weerar ayaa wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Milihoy ee ku yaalla inta u dhexeeysa Garsen iyo Gobalka Laamu ee dalka Kenya, waxaana Al-shabaab halkaas ay ku gubeen laba Gaari oo kala ahaa Baldoosarka iyo Gaari kale nooca xamuulka qaado ah oo siday Shixnad Shamiinto ah.

Taliyaha Booliska deegaanka Milihoy Irungu Macharia oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Booliska uu dagaal xoogan ku dhexmaray halkaas, welina lama oga khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadii Darawal ee waday gaadiidka la gubay ayaa waxaa ay ku baxsadeen dhul howd ah oo ka Agdhawaa deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxaa la tilmaamay inay lahayd Gaadiidkaasi la gubay, waxaana la xusay inay Qandaraas ku qaateen dhismaha Waddo dhererkeedu yahay 135 KM oo isku xiri doonta Degmooyinka Garsen iyo Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

About Author