Post View....

Akhriso:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amar Culus Soo Saaray

0
60

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo saaray Amar Culus oo ku socda shirkadaha u bareera inay (Jeexaan) ama bur-buriyaan laamiyada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in shirkadaha ay jebiyaan laamiyada, isla markaana ay ku fushtaan danahooda gaarka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono Shirkadaha, isla markaana ciqaab adag mari doonto cidkasto oo arintaas ku dhiirata.

Laamiyada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood jebiya Shirkado kala duwan, kuwaasi oo dhulka hoostiisa mariya Fiilooyiin ama biro.

 

About Author