Post View....

Wararkii ugu danbeeyey xaalada Caafimaad ee Guddoomiye Yariisow

0
118

Mas’uuliiyiin ku sugan isbitaalka lagu daweynayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ee Magalada Doxa dalka Qatar ayaa waxaa ay ka hadleen xaalada Caafimaad guddoomiyaha ee xilligaan.

Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Cumar  oo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in xilligaan xaalada Caafimaad ee duqa Muqdisho ay tahay mid soo hagaageysa,waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbaday inay u soo duceeyaan.

“Waxaan kusuganahay Hospital lagu dabiibaayo Gudomiye Yarisow xaaladiisa caafimaad aad ayey u wanaagsantahay waxa uu inooga baahanyahay in aan ducada kucaawino xaalada caafimaad waa ay soohagaageysaa ayuu yiri yuusuf Cumar”.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla dalka Qatar, kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Bishaan oo ku began Arbacadii la soo dhaafay.

About Author